![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2022/10/shabab.jpg?resize=660%2C440&ssl=1)
Ururka Alshabaab ayaa deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada dhexe ka bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaailka, si ay dagaal ugala hortagaan ciidanka dowladda ee ku wajahan dhulka uu Shabaabku haysto.
Warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa lagasii daayay sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dad lagu sheegay inay yihiin odayaasha dhaqanka beesha Abgaal, iyagoo ku dhawaaqay waxay ugu yeereen iska caabin dagaaal oo ka dhan ah duullaanka dowladda Soomaaliya.
Alshabaab ayaa kulankaan u abaabulay, kadib markii beesha Mudulood ay ku dhawaaqday dagaal ay Alshabaab kaga xoraynayso gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada kale.
Xildhibaanno iyo saraakiil ciiddan oo kasoo jeeda beeshaas ayaa horkacaya ciidamo aad u farabadan iyo gaadiid dagaal oo xalay ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo gaaray degmada Cadale.