Ciidamada dowlada oo dib ula wareegay deegaanka yasooman ee gobolka hiiraan

0
353

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta deegaankaasi ay dib ula wareegeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Yasooman saacadahii lasoo dhaafay ayaa markale isaga baxay deegaanka iyagoo aanan wax dagaal ah kala hortagin ciidamada iskaashanaya oo deegaankaasi maalin ka hor isaga baxay Al-shabaabna ay dib u soo galeen deegaankaas.

Deegaanka Yasooman ayaa la sheegay inuu yahay deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan oo leh afar wado oo u kala gooshta dhamaan deegaanada bari ee gobolka Hiiraan.