Wasiirka diinta iyo awqaafta oo ka hadley kacdoonka ka dhanka ah la dagaalanka alshabab

0
358

Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah dalka.

Roobow ayaa sheegay in qof kasta laga rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga, la isagana dhicin lahaa cid kasta oo diidan.

“Waxaa waajib ah inaan ka shaqeyno amniga, haddii intiina aad u istaagtaan inaad ammaanka ka shaqeysaan waa lagu guuleysanayaa, waa inaan ka shaqeyno sidii ay isaga celin laheyn cid kasta oo dhibaato ku ah amnigeena,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Nabi Ibraahim markii uu ummadiisa u duceynayey wixii ugu horreeyey ee uu Allah u waydiiyey waxay aheyd amni kadib ayuu irsaaq u waydiiyey, haddii aan ammaan la heysan arsaaqda waxay tahay ma lahan, waa la is boobayaa waa la is dhacayaa.”

Mar uu ka hadlayey kacdoonka dalka ka bilowday ayuu yiri “Waad ogtihiin hadda waddanka wuxuu galay inay iska dhiciyaan dadkaan balaayada noqday waa Al-Shabaab iyo wixii lamid ah, waa ogtihiin hadda gobolada oo dhan waxaa ka bilowday howlgalo la isaga dhicinayo.”