Taliyaha boliiiska gobolka hiiraan iyo taliyaha nisa oo looga yeeray magalada muqdisho

0
277

Waxaa magaalada Muqdisho looga yeeray hoggaanada NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan oo uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku eedeeyay iney ka gaabiyeen howlahii looga baahna ee dhanka amaanka, kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan Oktoobar.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle uu soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay dowladda ugu yeertay inuu si deg deg ah ku yimaado, iyadoo taliyaha NISA Colaad Dalabeey uusan wali soo gaarin Muqdisho.

Lama oga talaabada xigta oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto labadan masuul oo magaalada Muqdisho looga wacay si loogula xisaabtamo qaraxyadii waa weyna ee Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo isugu jiray masuuliyiin iyo dad shacab ah, iyadoo dhaawacana uu kor u dhaafay 60 ruux.