Wasiirka gaashaandhiga iyo wasiirada haweenka oo maanta gaarey magalada beledweyne

0
378

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) Wasiirka Haweenka Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye & mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Saraakiil Ciidan , iyaga oo la geeyay Xarumaha uu ku Shaqeeyo Maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ujeedka safarka Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee Magaalada Beledweyne uu yahay inay hordhac u yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya Xamse Cabdi Barre oo saacadaha soo socda ku wajahan halkaas.

Magaalada Beledweyne ayaa siwyen looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ra’iisul Wasaaraha oo booqasho ku maraya degaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka dowlad degaanka Soomaalida.