Xukuumada oo soo saartey qorshe ka dhan ah la dagaalanka alshabab

0
299

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in dalka Soomaaliya xilligaan uu kujiro waqti dagaal, isla amrkaana Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka Shacabka ah ay dagaal kula iraan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu Warbaahinta u akhriyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ay garab taagnaayeen Wasiirada Maaliyada iyo Amniga Gudaha ayaa u qornaa sidatan.

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya markii ay aragtay in lacagaha baada ah ay Al-Shabaab ka qaadayaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayeen qaraxyada ay ku beegsadaan Goobaha dadweynaha, dilalka qorsheysan & werarada tooska ah oo ay ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Markii ay aragtay dowladda waajibka ka saaran ilaalinta hantida sharafka iyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyada oo dardar gelineysa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab & kooxaha kale ee Argagaxisada ah, waxay Maanta ku dhawaaqeysaa hab lagula dagaalamayo lacagaha ay ka qaadaan dadka Soomaaliyeed.

1- In dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan sidii dowladdu u heli laheyd dadka Al-Shabaab u qaabilsan qaadida lacagaha baada ah oo ay ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay dowladda kala soo xiriiraan tel: 0610404036 ama 0610404037.

2- Tallaabadan waxaa ay qeyb ka tahay dagaalka Maaliyadeed ee ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda kula jirto, isla markaana xogta ay shacabka dowladda la wadaagaan ay muhiim u tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab lana yareeyo dilalka qorsheysan qaraxyada.

3- In dowladda Soomaaliya ay cadeeyneyso in tallaaba kasta oo uu qaado muwaadin Soomaaliyeed ee xog ka haayo Al-Shabaab aaladaha ay u isticmaalaan qaadista lacagaha inay u aqoonsan yihiin muwaadin ka qeyb qaatay badbaadinta nafta dadka Soomaaliyeed.