Laba beelood oo maalintii labaad deegaano ka tirsan degmada walaweyn

0
222

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah uu dagaal beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay ka socdaa degaano hoostaga degmada Walanweyn oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul beereed halkaai kuyaalla, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday 8 ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhinteen.

Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa degaannada lagu dagaalamay ayaa isaga barakacay, iyaga oo ka baqdin qaba inay waxyeelo kasoo gaarto, kuwaas oo hadda duruufo kala duwan ay ku heystaan degaannadii ay u barakaceen.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay dagaalo ka dhacaan deegaano hoostaga degmada Walanweyn oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waana wax mar walba salka ku dhaya sad bursi ku saleysan dhul boob taasoo aan marnaba laga gaarin xal waara