Madaxweynaha maamulka puntland oo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada lagula jiro alshabab

0
122

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51aad ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya & Arrimaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa marka hore sheegay in daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho ay guddi soo qiimeeya u saareen waxyeeladu intay leeg tahay , sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay la socoto howlgallada dalka ka socda ee looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.