Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta waxaa ay howlgal ku gaareen degaanka Qooxle oo u dhow Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo u kuyaallo Saldhiga ugu weyn Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamadaan oo ka tegay meelo kamid ah gobolka hiiraan ayaa dhowr jeer dagaalo xoogan kula galay Al-Shabaab degaano katirsan gobolka hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay.
Wararka la helay ayaa sheegaya in howlgalka ay ciidamada ku gaareen degaanoa Qooxle ay qeyb ka yihiin diyaarado dagaal oo dusha kala socda, kuwaas oo horay dhowr jeer u duqeeyay fariismo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka go’an tahay in guud ahaan gobolka Hiiraan ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.