Madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inay maanta soo gaaraan magalada muqdisho

0
158

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud ay kala hoggaaminayaan Madaxda maamul goboleedyada, si ay uga qeyb galaan Shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho,

Maanta ayaa waxaa Madaxda ugu horreeysay ee imaaneysa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Koonfur, halka Madaxda kale ee maamul goboleedyada ay iyana imaan doonaan Muqdisho.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maalnta berito ah ka furmaya Magaalada Muqdisho, waxaana looga hadli doonaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo maamulada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xalinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.

Madaxda Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxda Shanta Maamul Goboleed ayaa geba-gabada shirkooda waxaa ay kasoo saari doonaan Warmurtiyeed ay kaga hadalayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.