Waxaa Maanta degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool la geeyay Ciidamo aad u faarbadan oo Millateri ah, kuwaas oo diyaarado looga qaaday magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Ciidamadan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo tuulooyinka hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, Maamulka degmada ceelbarde iyo Odayaasha Dhaqanka degmadaas ayaa Magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada, iyada oo la dejiyay Goobo gaar ah oo loo diyaariyay.