Ciidamada dowlada iyo alshabab oo ku dagaalamay tuulo ku dhow deegaanka numbar 50

0
282

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa xalay waxaa uu Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xubno kamid ah Urirka Al-Shabaab uu ku dhexmaray degaanka Birtaqleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay weerareen degaanka Birtaqleey oo u dhow degaanka lambar Konton, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Dagaalkan siweyn looga dareemay degaanka Birtaqleey, isla markaana waxaa las heegay in uu ku dhintey hal Ruux oo dadka degaanka ah dad kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale ay jiraan khasaaro gaaray labada dhinac balse aan weli sirasmi ah loo xaqiijin karin.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen in degaanka Birtaqleey ay isku aruursanateen Al-Shababa, si ay weeraro u geystaan, balse ay Ciidamadu ka hortageen.