Alshabab oo weerar ku qaaday xarunta wasarada waxbarashada

0
204

Laba qarax oo culus iyo rasaas xigtay ayaa goordhow laga maqlay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo aynu helney ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar qarax ku billowday ku qaadday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla aagga Laami Yaraha Zoobe.

Waxaa markii koowaad la maqlay hal qarax, haddana daqiiqado kooban kadib waxaa xigay qarax kale oo xooggan oo isla goobta ka dhacay, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa qarax ku xirnaa gaariga ay ka dageyn dableyda weerarka soo qaaday.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac marka la eego sida ay u xoog badnaayeen qaraxyada, oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda.