Shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa lagu waddaa in gelinta dambe ee maanta lasoo gabagabeeyo.
Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shirkan diiradda ku saarayay dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer maamul goboleed iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageysanay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada maamul goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka, Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho