Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka codsaday xildhibaanada,howlwadeenada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay si deg deg ah gurmad ula gaaraan dadka dhaawacyada ah ee ku jira Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho islamarkaana dhiigooda ugu deeqaan.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta hadal siiyay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxyada, isaga oo sheegay in dad Shacab ah oo aan waxba galabsan si bani’aadannimada ka baxsan lagu laayay.
“ Al-Shabaab waxaa ay dadka Soomaaliyeed u cadeeyeen in ummadda aysan wax rajo ah ka laheyn ayna yihiin cadow la soo adeegsaday oo doonaya inay Soomaaliya baabi’binteeda qandaraas ku qaba, taasina horay loo ogaa.