Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay ka geysteen, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen dad Shacab ah.
Madaxweynaha oo booqday burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyada, wuxuuna tilmaamay in weerarkan uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidka, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan , loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.