Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab dad shacab ahaa ay ku xasuuqeen qaraxyadii ay Sabtidii todobaadkaan ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada muqdisho.
Wasiirka oo ka qeyb galay kulan loogu duceeynayay dadka ku dhintay qaraxyada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay geysteen qaraxyada, iyaga oo ka careysan weerarada & hwolgallada uga socda Gobolada, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Baay & Gobolada kale ee dalka.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi in Al-Shabaab ay doonayaan dadka Shacabka ah ay xasuuqaan isaga oo uga digay weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan Magaalada muqdisho.