Waxaa Maanta dowladda Jabuuti ay Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay Dhaqaatiir iyo deeq dawo ah oo loogu talo galay gurmadka dadkii ay wayeelada kasoo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee 29-kii Bishii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Jabuuti ahna siihayaha xilka wasiirka Caafimaafka Mustaf Maxamed Maxamuud, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaraxii 29 October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo Guddiga kamid ah ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadka ay soo gaarsiisay Soomaaliya, isaga oo dalalka kale ka codsaday iney kaalin ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2.