Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo algeria kulan kula qaatey madaxweynaha dalka masar

0
211

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Algeria ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo ka wadahadlay arrimo khuseeya danaha labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa dalka masar uga warbixiyay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goballada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taasoo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.