Maxkamada ciidamada qalabka-sdia oo xukun dil ah ku fulisey Laba nin oo la sheegey iney ka tirsanaayeen alshabab

0
582

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay Muqdisho xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo rag ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho.

labada Ragga ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin ayaa lagu helay inay Muqdisho ku dileen 12/10/2019 Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Xamar & Cali Cabdulle Maxamed oo Ciidamada Millateriga katirsanaa 13/11/2019.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin ay Al-Shabaab ku kala biireen sanadihii 2014-kii & 2018-kii, iyaga oo ku kala sugnaa tuulooyin hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose & degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale labada Ragga ah ayaa waxaa Maxkamaddu sheegtay inay qeyb ka ahaayeen weeraro ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee markii dambe loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho oo ay dilal ka fuliyeen.