Alshabab oo lagala wareegey deegaano hor leh

0
245

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo howlgallo weli ka wada degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah.

Howlgalka Maanta ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaannada kala ah, Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Dugle,, Maxaad Siciid , Booska Xasan Geedi, iyo Ceelka Maraweyne, kuwaas oo kuyalla inta u dhaxeeysa degmada Aadan-yabaal & degaanka Masaajid Cali gaduud.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in aysan wax iska cabin ah kala kulmin Ururka Al-Shabaab, isla markaana markii Ciidamada dowladda ay degaanandaas ay aadeen ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ciidamada dowladda sii wadi doonaan ilaa laga gaarayo degaannada Gobolka Galgaduud, haatana ay ku dow yihiin degmada Aadan-yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.