Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo markale ka hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay jiraan maamul goboleedyada qaarkood oo xiligaan diyaar u aheyn dagaalka socda.
Jeneraal Tuuryare oo carabka ku dhufan magacyada maamuladaasi ayaa sheegay in aysan rabin in deegaanadooda laga saaro kooxda Al-Shabaab, taasi oo ku sababeeyay arrimo la xiriira xukun jaceyl.
Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii laga itaal roonaado kooxda ay madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay qabaan walaac ah in siyaasiyiinta kasoo horjeeda usoo guuraan deegaanada maamuladaasi oo haatan Shabaab looga cabsado.
Inkasta oo uu ka gaabsadey in uu carabaabo maamuladaasi, haddana waxaa muuqaata in illaa haatan deegaanada ay weli ka bilaaban howl-galada ay kala yihiin Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, walow ay hore u sheegeen inay ku jiraan diyaar-garow.