Diyaarad laga leeyahay dalka tanzaaniya oo ku dhacdey harada victoria

0
318

Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzania xilli ay isku dayday in ay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Bukoba, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Tanzania ee TBC.

TBC ayaa sheegtay in 15 qof la soo badbaadiyay ilaa hadda balse lama oga inta rakaab ah ee la socotay diyaaradda Precision Air iyo haddii ay jiraan wax dhimasho ah.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada caasimadda ah ee Dar es Salaam, ayaa “ku soo dhacday harada Victoria subaxnimadii saaka, waxaana sababay duufaano iyo roobab mahiigaan ah”, sida ay sheegtay TBC.