Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu horkacayo oo Maanta gaaray degmada xudur ee gobolka bakool.
Ujeedayada safarka wasiirka ayaa ah si uu goobjoog uga ahaado caleemo saarka guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka, waxaa kale oo inta uu jooga halkaasi u kuurgeli doonaa xaaladaha kala duwan ee ka jira degmada.
Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay magalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Maamul Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed Cabdullahi Xaaji Xasan.