Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.
Maleeshiyaadkan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay garoonka, waxayna joojiyeen shaqadii ka socotay halkaas iyo duulimaayadya garoonka Caabudwaaq.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qabsaday garoonka ay ka soo horjeedaan habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka degmada Cabudwaaq oo haatan qaarkood lasoo doortay, waxaana maleeshiyaadka ay ku doodeen in aan weli lasiin saamigii ay lahaayeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka ay dib usoo celiyaan diyaarad sidday mas’uuliyiin iyo sidoo kale odayaal ku sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.