Madaxweyne Xasan Sheekh oo qudbad ka jeediyey kulan looga hadlayey isbedelka cimilada

0
192

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan.