Dhegeyso: Xiisad u dhexeysa Maamulka cabdicasiis lafta gareen iyo mucraadka oo ka bilaabatey magalada baydhaba

0
385

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulka uu hogaamiyaha ka yahay cabdicasiis lafta gareen iyo siyaasiyiin mucaarad ah jego sugayaasha ah.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu xiray Siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xil uga soo qabtay Baydhabo.

Shiine Macalin Nuur oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan aqbali doonin la caburiyo ayna dagaallami doonaan maamulka.

Shiine Macalin ayaa horey waxaa uu uga mid ahaa shaqsiyaadkii uu Shariif Xasan u adeegsadey burburinta maamulka6da gobol oo uu madaxweynaha ka ahaa laha u naxariistee Madoobe Nuunow

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in cabdicasiis Laftagareen uu amray in Siyaasiyiintaasi laga saaro magaalada Baydhabo sida ugu dhaqsiyaha badan ruuxii diidana in xabsiga la dhigo.