Deegaano ka tirsan gobolka bakool oo laga bilaabey abaabul ka dhan ah alshabab

0
426

Waxaa degaanka Aato ee Gobolka Bakool ka bilaawday kulamo looga tashanayo howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed & kuwa dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka degaanka Aato ayaa ka arinsaday sidii degaannada gobolka bakool looga bilaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyada oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen degaanka Aato ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degaanka Aato Dubad Xasan Cali oo ka warbixiyay kulamada ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed & dadka degaanka iyo kuwa dowlad degaanka ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sidoo kale la diyaariyay ciidamo degaanka ah oo hubka qaatay , kuwaas oo ka qeyb qaadan doona xorreynta degaannada ku dhow dhow degaanka Aato iyo guud ahaan gobolka Bakool, sidoo kalena dhawaan degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo horleh.