Maamulka somaliland oo ka jawaabey hadalkii kasoo baxay xisbiyada mucaaradka

0
350

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray mucaaradka uu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Somaliland, ayna sidoo kale tahay arrin ayaan darro ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana dhaawacaya dimuquraadiyadda Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiyada Wadani iyo UCID in ay wadaan abaabulka kacdoon bulsho, si loo kico dadweynaha reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale taliyaha Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa ka hadlay xiisadda kacsan ee Somaliland, isaga oo digniin adag u diray hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo sidoo kale taageerayaashooda.

Dabagale ayaa wacad ku maray in ay ka hortegi doonaan rabshado ka dhaca Somaliland, islamarkaana ay adeegsan doonaan awood ciidan, haddii mucaaradku tallaabo qaado.