Madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo daah furey kalfadhigii labaad ee baarlamaanka labada aqal

0
327

Waxaa goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka labada Aqal, Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada -ta dowlad Goboleed iyo marti sharaf kale.

Munaasadda furitaanka Waxaa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo sheegay in Maanta dalka aysan kala cadeyn awoodaha laamaha dowladda Federaalka, lagama maarmaana ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurkana lagu qeexo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in dalku yeesho Maxkamadda Dastuuriga si xal loogu helo Khilaafka soo laab laabta, sidoo kalena uu Muhiim yahay in labada gole ee Baarlamaanku meel mariyaan dadajinta Maqaamka caasimadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ayaa Xukuumaddda ugu baaqay inay si deg-deg ah ay usoo gudbiso xubnaha guddiga dib u eegista Dastuurka si shaqada dib u eegista Dastuurka KMG ah u bilaabato.

Ugu dambeyn Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, sida Amniga, arrimaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha intaba.