Xabad joojin la kala dhex dhigey beelo ku dagaalamayey degmada cadalle ee gobolka shabelaha dhexe

0
355

Waxaa Maanta xabad-joojin la kala dhex-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan dagaalka xooganaa uu ku dhemaray degaano hoostaga degmada Cadalle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaal Dhaqan oo uu horkacayay Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Saraakiil ciidan ayaa la kulmay waxgaradka beelaha ku dagaalamayay degaannada geel-gub, Xaaji cali, ceelmuluq iyo labada garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa dhinacyada ka dalbaday in xabadda la joojiyo inta la isaga imaanayo kulan weynaah guud ee dib u heshiisiinta ah, isla markaana ciidamada la kala qaado.

Nabaddoon Cali Cabdullahi ( Bood) ayaa sheegay in dhinacyadu ay qaateen go’aankii xabadda joojinta ahaa oo ay hordhigeen, sidoo kalena la kala qaaday labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, isla markaana la isku afgartay.

1: In la joojiyo xabadda

2: In la kala qaado Ciidamada labada dhinac ee dagaalamay

3: In la qabto shir lagu heshiisiinayo labada beelood ee dagaalamay.