Ciidamada danab oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan degmada beledweyne

0
398

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda ayaa howlgalkan ka sameeyey inta u dhexeysa deegaanka Halgan iyo degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Danab oo ka hadlay howlgalkani ayaa shaaca ka qaaday in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay Shabaab isaga baxeen deegaannadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas oo ay tilmaameen inay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.