Gudoomiyaha gobolka hiiraan oo aqalka sare uga warbixiyey howlgalada ka dhanka ah alshabab

0
227

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, si looga guulaysto Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka hiiraan cali jeeyte Cismaan ayaa carabka ku adkeeyey in maanta la Joogo isgooys muhiim ah oo Al-Shabaab looga saari karo guud ahaan dalka asigoo ka codsaday gudoonka in la tageero Dagaalka ka Dhanka ah si loo xaqiijiyo Nabad-galyada guud ahaan Gobalada Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hoggaamiyay shacabka Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.