Qaramada midoobey oo ka digtey in nus milyan caruur ah ay halis u yihiin iney u dhintaan nafaqo daro

0
247

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan inay dhintaan bartamaha sanadka soo socda ee 2023.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay Soomaaliya u baahan tahay $1 bilyan oo doollar oo gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah si looga gudbo in xaalad macluul ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Ku dhawaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay gaajo daran kadib markii illi roobaad uu baaqday, sidoo kalena uusan jirin gurmad caalami ah oo yimid Soomaaliya.

Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya macluul daran oo dhanka gaajada ah oo ka taagan gudaha Soomaaliya, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.