Howlwadeeno ka socda taliska Aficom oo maanta gaarey magalada dhuusamareeb

0
236

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe), ayaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta gaaray halkaas.

Wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda dalka.

Wasiir Gaboobe ayaa AFRICOM uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka Al-Shabaab iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan.