Reysulwasaare Xamza oo maanta furey shirka hanaanka wadashaqeynta

0
252

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.