Wasarada shaqada iyo shaqaalaha oo soo saartey go,aan ay ku joojineyso shaqalaha loo qoro dalka dibadiisa

0
233

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso in Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed la qori karo ama dalka dibadiisa loo dhoofin karo si uu u Shaqeysto, sidoo kalena baabi’isay ruqsadihii iyo shatiyadii hore ee Wasaaradda Shaqada siisay Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibedda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo la ogeeysiiyay Shirkadaha Adeega Shaqasiinta Dibadda, Hay’adda duulista Rayidka, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Amniga & Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-kii Bishaan oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay ka joojiyay Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka laga dhoofin karo.