Madaxweynaha dowlada federaalka oo xariga ka jarey dhismaha cusub ee xarunta madaxtooyada galmudug

0
410

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey madaxda maamul-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.”

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan ,aa,ul-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.