Madaxweynaha dowlada federaalka oo u hambalyeeyey macalinta somaaliyeed

0
459

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.