Hanti dhowrka guuud oo sheegey in malaayiin doolar ay siyaabo qaldan ku maqan yihiiin

0
221

Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadle ah oo ku saabsan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’addaha dowladda.

Warbixintaan oo ku salaysan sannadkii hore ee 2021, ayaa lagu sheegay qaar kamid ah hay’adaha dowladda oo magacyadooda lagu xusay warbixinta in ay fuliyeen mashaariic malaayiin dollar lagu bixiyay oo aan sidii loo baahnaa loo fulin.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in heshiis deyn ah oo ku kacay $96 million oo dollar oo laga qaatay hay’adda IMF iyo bankiga dhexe ee dalka, aan la caddayn deyntaasi. Hantidhowruhu wuxuu sheegay in deyntaan uusan barlamaanka meelmarin, isagana aan lagu soo wargalin.

Sidoo kale $16 million oo lasiiyay maamulka gobolka Banaadir, rugta ganacsiga iyo bangiga horumarinta ayuu hanti dhowruhu sheegay in aan loo marin habraaca sharciga maaliyadda dalka.

Hanti dhowraha qaranku wuxuu ku eedeeyay hay’adaha dowladda in aysan lahayn qorshaha iibka qaranka ee sanadlaha.