Wasiirka arimaha gudaha oo maanta booqdey magalada dhuusamareeb

0
287

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi oo maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa ay labada wasiir ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlaha hoose, Dib u heshisiinta, Deegaameynta iyo xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka labada Wasaaradood.

Wasiir Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Wasiir Wayeel iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradda sida wanagsan ay usoo dhaweeyeen ,sidoo kalena ku dhiirigaliyay in ay labo jibaraan dadaalkooda shaqada.