Reysulwasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dalka qadar

0
374

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalka Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Reysulwasaare Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa ka wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha.

Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda.