Ururka jaamacada carabta oo qaban doona kulan looga hadlayo abaaraha dalka somaliya

0
385

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo socota la qaban doono shir caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya, isla markaana kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Shirweynahaasi ayaa la filayaa in ay garwadeen ka noqdaan Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay si looga hortago khatarta macluusha ee Soomaaliya , kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan.

Danjire Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, taasoo ah tii ugu darneyd ee soo marta dalka muddo dhowr iyo labaatan sano ah.

Waxa uu tilmaamay in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit uu la xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, isla markaana ay ka wadahadleen wax ka qabashada musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sidii looga bixi karo duruufaha taagan.