Wasaarada maaliyada oo sheegey inay jawaab ka bixin doonaan warbixintiii hantidhowrka

0
331

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay jawaab ka bixin doonto warbixintii uu Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ee sida tooska ah warbaahinta looga sii daayay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyadda oo lagu daabacay boggeeda twitter ayaa lagu sheegay in iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska hanti-dhowrka ay wasaaraddu akhrin doonto warbixinta, jawaab ku habboona bixindoonto.