Wasiirka gaashaandhiga oo ka hadley dagaalka lagula jiro alshabab

0
294

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay sababta ay u hakadeen dagaalladii ku furnaa kooxda Al-shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee dalka.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo dowladdu ay isticmaaleyso.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC TV ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku biritaareysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey.

Deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhigga wuxuu balan qaaday in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.