Dib u dhac ku yimid kulankii ay maanta yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka labada aqal

0
332

Kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirka weerarkii lagu qaaday Hoteel Villa Rosa oo u dhow Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka sare ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay, kaasi oo uu ajendihiisu ahaa ka doodista miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoonka oo farrintaan u diray dhammaan xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulankan oo ah mid muhiim ah