Gudoomiyaha gobolka hiiraan oo sheegey in dib loo bilaabi doono dagaalka ka dhanka ah alshabab

0
384

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo safar ku maraya qeybo ka mida gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in dib loo bilaabayo howlgalladii ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab ee ka socday gobolka hiiraan oo mudooyinkii u dambeeyay joogsaday

Goddoomiye Cali Jeyte oo la hadlayay qeybo ka mida Ciidamo loo diyaariyay howlgalka ayaa shegay in Al-Shabaab ay ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay cadow ku yihiin oo aysan gobolka hiiraan kaliya cadaw ku ahayn.

Wuxuu hadlkiisa uu intaasi kudaray in la laba jibaari doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo gobolka Hiiraan, sidoo kalena lagu baahind oono gobolada kala ee dalka.