Howlgalo lagu sugayo amniga oo xalay laga sameeyey degmada xamar ee gobolka banaadir

0
305

Xilli dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay xaaladda amni ee Magalada Muqdisho siweyn looga deyrinayay ayaa Ciidanka Booliiska ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxa ay xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka bilaabeen qaar kamida xaafada degmada xamar jajab ee gobolkan banaadir .

Howlgalka ayaa waxaa sameeyay ciidanka booliiska ee qeybta Waliyoow-Cadde oo garab ka helayay maamulka degmada Xamar Jajab, waxaana ay ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee degmada.

howlgalka ayaa lagu baacsanayay kooxa isticmaala maandooriyaha, kuwa iibiya iyo dadka amni darrada kawada gudaha Muqdisho, iyada oo Ciidanka Booliiska ay intii kuguda jireen howlgalka kusoo qabteen dad badan balse kadib baaritaano ay kusameeyeen ay siidaayeen .

Taliyaha ciidanka Booliiska qeybta Waliyow-Cadde Isaaq Maxamed Ciise iyo Sheekh Nuur oo ah taliyaha booliiska degmada Xamar jajab ayaa dadkii howlgalka lagu soo qabtay kula dar daarmay in ay sugida Amniga kala shaqeeyaan ciidanka Booliiska