Madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabeele oo sheegey in la isku furay wadada xiriirisa hiiraan ila iyo muqdisho

0
274

Madaxeweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guulaysteen inay isku furaan gobolada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Banaadir.

Yuusuf Dabageed oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay ciidamadu hadda u jihaysanayaan xoraynta inta u dhaxaysa Masaajid Cali Galgaduud iyo Aadan Yabaal, halkaas oo uu sheegay inay Shabaabku ku dhuumaalaysanayaan.

Dhulka la xoreeyay ayuu madaxweyne ku xigeenku ku sheegay masaafo dhan 300km oo dherer ah. Wuxuu ku tilmaamay guul weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in gurmadka Muqdisho ka yimaada uu lug ku tago deegaannada la xoreeyay, halkii awal hore diyaarado lagusoo daabuli jiray.