Wasaarada isgaarsiin xukuumada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo heshiis gaarey

0
224

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay, kaasoo sababay in wasaaradaha isgaarsiinta maamul goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.

Shir ay Muqdisho ku yeesheen wasaaradaha labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in sharciyada iyo siyaasadaha ay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada (WI&T) gacanta ku hayso laga talageliyo maamulada xubnaha ka ah Dowladda federalka.

Waxaa lagu heshiiyay in wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya aysan isku kooban mashaariicda isgaarsiinta, gaar ahaan waxaa lagu heshiiyay sidii Mashruuca isdhexgalka isgaarsiinta casriga ah ee gobolka geeska Afrika (EA RDIP) dalka oo dhan looga wada faa’iideyn lahaa.